Ra’isul Wasaaraha UK oon ka qeyb gali doonin aaska amiir Philip iyo Sababta keentay

Sabtida soo socota ayaa lagu wadaa in aas kooban loo sameeyo Amiir Philip oo ahaa ninka qaba Boqorada UK kaa oo geeriyooday jimcihii lasoo dhaafay isaga jira 99-sano .

Ra’isul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa la xaqiijiyay in uusan ka qeyb galki doonin aaska Amiirka ee sabtida dhacaya, waxaa sidoo kale aaskaasi aan ka qeyb gali doonin madax kale oo caalamka ka socota.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha UK ayaa lagu sheegay in Boris Johnson uusan ka qeyb gali doonin aaska Amiirka sababo la xariira cudurka Covid-19 iyo tirada dadka ka qeyb galaya aaska oo aad u yar.

Aaska Amiirka UK ayaa kaliya loo ogol yahay in ay ka qeyb galaan ilaa 30-qof oo u badan qoyska Boqortooyada ay ku jiraan caruurtiisa, caruurta uu awoowaha u yahay iyo xubno kale oo qoyska Boqortooyada kamid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -