Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis, waxaana qaraxan ka bad baaday oo lala eegtay masuul katirsanaa dowlada Soomaaliya.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxa miino ayaa lala eegtay gaari uu la socday Maareeyaha Dekadda magaalada Muqdisho Axmed Washigton oo halkaasi marayay xiliga qaraxa lala eeganayay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa uu ka bad baaday maareeyaha dekadda Muqdisho Axmed Washigton, waxaana qaraxa ku dhaawacmay qaar kamid ah ilaalada maareeyaha .

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka Muqdisho ayaa mudooyinkan soo badanaya, waxaana qaraxyadan la sheegay kaliya in lala eegto gaadiidka ay la socdaan masuuliyiinta iyo kuwa ciidamada iyadoona aysan jirin bartilmaameed rasmi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mooshin laga gudbiyey Gudoomiye Baarlaman & odayaal Kismaayo lagu xirxiray

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay Talaabo ay uga aargudanayaan Mareykanka

Cabdi Cade

Masuuliyiin ku Shiray Muqdisho oo si adag uga hor yimid shirka Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---