Raisul Wasaaraha Somalia oo Washignton kula kulmay Mr. Matthew Rycroft

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay xog-hayaha Joogtada ah ee waaxda horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID), Matthew Rycroft.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee qaranka Soomaaliyeed iyada oo loo marayo Tubaha Qaranka ee lagu jaan-gooyay wax-qabadka dawladda.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xog-hayaha Joogtada ah ee waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska ayaa qayb ka ah shirar uu Ra’iisul wasaaruhu Washington kula yeelanayay mas’uuliyiin ka socdo dawlado iyo hay’ado caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -