Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo la kulantay weerar fadeexad & ceeb ku noqday

Israa’iil, ma aysan qarin inay Axadda maanta la kullantay weerar fadeexad ah oo dhaliyay dhaawaca 8 qof oo shan ka mid ah la sheegay inay ku jiraan xaalad dhimasho dhalin karta, kaddib markii gantaal nooca ballistic-ga oo ay kooxda Xuutiyiinta ka soo tureen Yemen, uu ku dhacay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion.

Raadiyaha ciidamada Israa’iil oo soo xiganaya ilo militari ayaa sheegay in nidaamka difaaca Mareykanka ee THAAD iyo nidaamyada difaac ee  Israa’iil ay isku dayeen in ay ka hortagaan gantaalka Xuutiyiinta,balse ay ku guuldareysteen, iyadoo in ka badan 3 milyan oo Israa’iiliyiin oo ay ku jiraan saraakiisha sare ee Israa’iil ay gabbaad galeen.

Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel-ka 12 , ayaa sheegay in gantaalka Yemen uu ka gudbay afar lakab oo ah hababka difaaca hawada, wuxuuna ku dhacay wadnaha garoonka diyaaradaha Ben Gurion ,waxa la arkay waa in goobta uu ku dhacay uu ka sameeyay god 25 mitir ah. Warbixinta Channel 12,  ayaa shaaca ka qaaday  in madaxa gantaalku uu ahaa mid aad u weyn, oo sababay mowjad qarax weyn oo laga maqlay xaafadaha Telaabiib, taa oo ka dhigan in Xuutiga ay wax ka beddel ku sameeyeen madaxyada qarxa ee gantaallada ay ku weerarrayaan Israa’iil.

Booliiska Israa’iil ayaa amray in la mamnuuco in loo safro garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, halka Channel 12 ee Israa’iil uu sheegay in la hakiyay duullimaadyadii imanayey iyo kuwii dhoofayey.

Wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth ayaa sidoo kale ka soo xigatay madaxa guddiga shaqaalaha hay’adda duulista rayidka ee Israa’iil , in dadka ku dhaawacmay gantaalka uu mid ka mid ah ku sugnaa gudaha garoonka gaar ahaanna Terminal 3, taa oo ka dhigan qaraxyada gantaalka inay gudaha u galeen garoonka, taa oo noqonaysa markii u horreysay oo Xuutiga ay khasaare dhab ah gaarsiiyeen garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.

Weerarka wuxuu dhaliyay si deg deg ah in loo joojiyo duulimaadyo ay Telaabiib ku imaan lahaayeen diyaaradaha Swiss, Austria, Australia , Lufthansa iyo tobannaan diyaaradood oo kale oo maanta la qorsheeyay inay duulimaad ku yimaadaan garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.

Iyadoo warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in hoggaanka ammaanka Israa’iil ay  si weyn uga walaacsan yahay fashilinka ay kala kulmeen inay ka hortagi waayeen gantaalka Xuutiyiinta ee lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, ayaa  weerarka sidoo kale wuxuu dhaliyay in la baajiyay shirkii ugu muhiimsanaa ee golaha amniga israa’iil oo maanta la qorsheeyay inuu qabsoomo, sabab la xiriirta weerarka Xuutiyiinta, sida uu ku warramay wargeyska Walla.

Wargeyska kale ee ka soo baxa israa’iil ee Yedioth Ahronoth ayaa sheegay, in shirkii golaha wasiirada amniga uu dib u dhacay ilaa 7-da fiidnimo ee caawa. Halka wargeyska Maariv uu sheegay in Netanyahu uu wada tashiyo dhanka ammaanka la yeeshay saraakiisha sare ee amniga , kaddib guul-darrada ay Israa’iil kala kullantay inay ka hortagto weerarka Xuutiyiinta. Warbixinta wargeyska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Netanyahu uu qaban doono caawa kulan deg deg ah la xiriira habka ay Israa’iil uga jawaabi karto weerarka khasaaraha dhaliyay ee Israa’iil ay kala kulantay Xuutiyiinta Yemen.

Afhayeenka dhinaca milatariga ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic ayaa saacado kaddib marka uu dhacay weerarka , warsaxaafadeed muuqaal ah oo uu baahiyay, wuxuu ku sheegay inay Xuutiyiinta fuliyeen weerar ay u adeegsadeen gantaal ballistic, si guul leh ugu dhacay bartilmaameedkiisa

Sariic , ayaa xaqiijiyay in nidaamka difaaca Mareykanka iyo Israa’iil ay ku guul-darraysteen inay ka hortagaan gantaalka ay Xuutiga ku weerarreen garoonka diyaaradaha Ben Gurion, oo ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee Israa’iil ay si weyn u ilaaliso amnigiisa, isagoo sharraxaya ujeeddada weerarka wuxuu ku sheegay afhayeenka milatariga ee Xuutiyiinta; in weerarka uu daba socdo go’aankii ay horey usoo saareen ee la xiriira inuu si rasmi ah u xiranyahay garoonka diyaaradaha Israa’iil ee Ben Gurion, wuxuuna uga digay shirkadaha diyaaradaha inay sii adeegsadaan garoonkan oo uu sheegay inay kala kulmi doonaan khasaare iyo burbur haddii ay ku adkeystaan inay adeegsadaan, wuxuuna markaa caddeeyay in weerarrada ay noqon doonaan kuwa joogta ah oo ay ku joojinayaan shaqada garoonkan oo ah midka kaliya ee diyaaradaha caalamiga ay ka degaan kana duulaan ee Israa’iil, si meesha looga saaro go’doomintooda dhul, cir iyo badba ee ay geliyeen Israa’iil, kaddib markii ay Xuutiga horey u xireen dekedaha Israa’iil, xiritaankaa oo ka dhashay inay ka hortageen in wax maraakiiba ah ay soo gaareen, wuxuu sheegay in looga baahanyahay Israa’iil inay go’doominta ka qaado marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta.

“Waan sii wadi doonnaa ka hortagga gardarrada Mareykanka iyo taageeridda shacabka Falastiin, iyadoo aan loo eegin cawaaqib xumada ka dhalan karta”.ayuu yiri Sariic. Hadalkan oo ujeedkiisu noqonayo ‘si kasta oo aah cawaaqib xun iyo dhibaato aan u wajaheyno, haddana waan taageerri doonaa dadka reer Qasa.”

Israa’iil oo aragta in mar kale ay Xuutiyiinta dunidda horteeda ku fadeexeeyaan, ayaa si caro leh waxaa weerarkan garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ka dhacay uga falceliyay wasiirka difaaca israa’iil, Yisrael Katz oo ku hanjabay inay si adag uga jawaabi doonaan weerarkan, isagoo intaa ku daray ; “ Cid kasta oo hal weerar nagu soo qaadaa, waxaan weerarri doonaan toddobo jeer.. si adag ayaanna uga jawaabi doonaan Xuutiyiinta.”

Weerarkan kaddib, waxaa gudaha Israa’iil laga maqlay codadka doonaya in weerarkan jawaabtiisa aan lagu koobin dhulka Yemen ee sidoo kale loo baahanyahay inay Israa’iil qaado weerarro ballaaraan.

Benny Gantz, oo ah xubin hore oo ka tirsanaa golaha dagaalka ee Israa’iil  , isla markaana ah hoggaamiya  xisbiga mucaarad ah  , ayaa soo baxay weerarkan kaddib, isagoo warbaahinta u sheegay ; “Iran waa tan bixisay gantaalaha ballistic-ga ee lagu weerarrayo Israa’iil, waana inay qaadato mas’uuliyadda iyaga.”

Gantz waxa uu intaa ku daray in “Gantaallada lagu soo riday dhulka Israa’iil waa inay yeeshaan cawaaqibka adag oo ay tahay inay wajahdo Iran… waa inay Tehran noqotaa goobta sida adag weerarkan jawaabtiisa looga arkayo.”

Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 12, ayaa dhankiisa ka soo xigtay taliyaha ciidanka kaydka Israa’iil , jen. Amir Avivi oo yiri ; “ Marka waddan si isdaba joog ah gantaallo ugu soo rido Israa’iil, tani waa dagaal.” Waxa uu intaasi ku daray “Casharkeenu waa inuu noqdaa in la dilo hoggaanka Xuutiyiinta, sidii ku dhacday Xisbullah.”

Warbixinta telefishinkan ayaa sidoo kale, lagu sheegay inay saraakiisha amniga israa’iil diyaarinayaan nooc weerar adag oo ay uga jawaabayaan weerarka Xuutiga, waxaana lagu go’aamin doonaa kullamo la filayo hoggaanka Israa’iil iyo kuwa amniga inay yeeshaan caawa iyo galabta.  Balse, iskuday kasta oo lagu soo daro jawaabta weerarkan in lagu weerarro Iran, ayaa ah midda dhalinaysa in weerarkan uu sababo dagaal gobolleed.

Weerarka wuxuu yimid , maalmo kaddib markii Mareykanka uu dib u dhigay wada-hadalladii la xiriiray barnaamijka nukliyeerka ee uu kula jiray Iran, waxaa xigtay in la maqlay suragalnimada ay Israa’iil ku weerarri karto Iran, tan ayaa ka dhigaysa inan laga tagi karin surtagalnimada in weerarka uu yahay iskuduba ridka Iran, oo farriin u diraysa Israa’iil, si dib loogu soo celiyo wada-hadallada, ama iskuday kasta oo weerar oo ka dhan ah Iran, wuxuu noqon doonaa mid ay ka dhalan karto jawaabta weerarro goobo kale duwan ay ka wajihi karto Israa’iil.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo laga helay cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Cumar Finish oo Xil ka qaadis iyo Xabsi isugu daray Gudoomiye Degmo iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Guddoomiye Yariisow oo furay barnaamij loogu talo galay dhalinyarada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---