Deni: “Warka dowladu ku sheegtay inuu fashilmay shirka horey ayuu u diyaarsanaa”

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in qoraalka iyo muuqaalka dowladda sii deysay uu ahaa wax horay u diyaarsanaa, isagoo tilmaamay inay cadahay in dowladda aysan rabin shirka looga hadlayo sidii dalka doorasho loo dhan yahay uga dhici laheyd.

“Arrinta yaab leh waxay tahay maanta oo dhan waa shireynay, dhowr maalmood ka horna waa shireynay waxaase cadaatay qoraalka iyo muuqaalka ay sii deysay dowladda uu ahaa mid horay u diyaarsanaa, Wasiirka maanta hadlay dabcan wuu nala joogay maanta dharka uu watay iyo kii codka ku qabtay kii uu watay maaha, wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo, mas’uuliyadeeda cida howshaas qabatay ayaa qaadi doonta” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo wareysi siiyay idaacadda VOA.

Waxaa uu sheegay in markii uu dhamaaday shirkii maanta uu madaxweynuhu codsaday inuu la tashi soo sameeyo, dibna la iskugu laabto, aysana iyaguu ka war heynin shir fashilmay.

“Mudadii dhowrka beri aheyd ee wadahadaladu socdeen waxaan ka wadahadleynay sidii loo qaban lahaa shir loo dhan yahay oo dadka Soomaaliyeed u horseeda doorasho loo dhan yahay waxaa la isku khilaafsanaa ajendaha shirka iyo hanaanka uu ku soconayo siduu noqonayo, waxaana nasiib daro ah in wadahadalkii oo socda uu Madaxweynuhu diiday ajendayaashii loo arkayey iney suuragal ku tahay qabsoomida doorasho lagu kalsoon yahay, ka dibna wuxuu dalbaday inuu la tashi soo sameeyo, markaan xaafadihii ku laabaneyna waxaan ka war helnay War-saxaafadeed iyo hadal diyaarsanaa oo dowladu sii deysay, taasoo aan nooga yaabisay, anagu tuhunkaas waa qabnay, laakiin dadka Soomaaliyeed iney sidaas u ogaadaan waa muhiim” ayuu yiri Nadaxweyne Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -