Bankiga Adduunka oo saddex arrin ku amaanay Maamulka Taliban ee dalka Afghanistan

Bankiga Adduunka ayaa Maamulka Taliban ee la wareegay Afghanistan ku amaanay iney wax badan ka qabteen horumarinta dhaqaalaha dalkaas

Qoraal ka soo baxay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in Taliban ay hoos u dhigtay sicir bararka gaaray halkii ugu sarreysay.

Waxay si hufan ula dagaalameen Musuqmaasuqa, waxayna 90% kordhiyeen wax soosaarka ay dibada u dhoofiyaan”ayaa lagu yiri qoraalka bankiga aduunka.

Warbixinta uu Bankiga Aduunku soo saaray ayaa aad loogu amaanay maamulka Taliban, wuxuu sheegay in Taliban ay dhulka galiyeen sicir bararka isla markaana ay si hufan ula dagaalameen Musuqa

“Waxay dibada u dhoofiyeen sanadkii hore badeeco lagu qiimeeyay $1.7 bilyan oo dollar, taasoo ka dhigan iney kordhiyeen 90% wax soo saarka ay dibada u iib geeyaan” ayaa lagu yiri qoraalka bankiga Aduunka

 

 

- Advertisement -