James Swam oo Warbixin ku saabsan Doorashada Soomaaliya u gudbiyay Golaha Amaanka

Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee QM u qaabbilsan Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya isaga oo ay wehliyaan madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira iyo Caasha Siyaad oo ka mida aasaasayaasha Hindisaha Hogaamineed ee Haweenka Soomaaliyeed.
 
James Swan ayaa soo dhaweeyey horumarka ilaa hadda la gaaray Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka, waxa uuna boorriyey Xukuumada iyo maamul goboleedyada in si dhaqse ah loo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka.
 
Mudane James Swan waxa uu soo jeediyey in liiska kuraasta loogu qoodeeyey haweenka la baahiyo iyo in xaqiijinta qoondada boqolkiba 30 ee haweenka la gaaro; waxa uu ku carrabka ku adkeeyay in ka qeyb galka iyo metelaadda siyaasadda ee haweenku muhiim u tahay horumar iyo nabad waarta oo ay Soomaaliya hesho.
 
Swam ayaa tilmaamay in Dib-u-dhacyada socda ah ee geeddi-socodyada doorashada aysii wadaan inay hakiyaan horumarradii laga sameeyay hortebinnada qaranka oo ay ka mid yihiin dowladnimada, ammaanka iyo horumarka.
 
Xaaladda bini’aadamnimo ee Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u xun, waxaana u sii dheer colaado joogto ah, barakac iyo jahawareerka cimilada ayuu yiri Mudane James Swan Wakiilka Gaarka ah ee QM. Qiyaastii 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar bini’aadannimo sanadka 2022.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -