Midowga Musharaxiinta oo ku biiray shirka u socda Madaxda dowlad goboleedyada

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku biiray kulan u socda madaxda shanta dowlad goboleed oo ka socda hotel ku yaalla garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa daba socda kulan kale oo habeen hore ay iskugu yimaadeen madaxda dowlad goboleedyada, waxaana ka maqan madaxda sare ee DF iyo wakiilada beesha caalamka.

Lama oga sababta ay shirka ugu biireen xubnaha midowga musharaxiinta iyo ujeedada ka dambeysa, maadaama aysan saxiix ku laheyn go’aan ka gaarista arrimaha khilaafka doorashooyinka

Shirkan ayaa looga hadlaya xaaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Doorashada iyo xal u helista caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirkii loo balansanaa ee  doorashada.

LA SOCO WIXII SOO KA SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -