Koob Kubada Cagta oo lagu soo gabo gabeeyay Degmada Dayniile (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Garoon kuyaala Xaafada Raadeel ee degmada Dayniile lagu soo gabo gabeeyay koob loo dhigay kooxo ka dhisan Degmada Dayniile, waxaana koobkan loogu tala galay is dhax galka bulshada.

Koobkan oo loogu magac daray Maanka Cup ayaa si habsami leh maalmihii lasoo dhaafay uga socday degmada Dayniile, waxaana ugu dambeyn galabta la qabtay ciyaartii ugu dambeysay ee Fiinaalka.

Kulan xiiso badan ayaa galabta dhax maray Kooxaha Onkod iyo Universal oo fiinaalka isugu soo haray, waxaana ciyaarta ku dhamaatay waqtigii loogu tala galay bar baro Gool iyo Gool, waxaana ugu dambeyn rigoorayaal guusha ku raacday Kooxda Universal.

Xoghayaha maamulka Degmada Dayniile  Mahad Maxamed Sharaawe iyo Gudoomiyaha Dhalinyarada Degmada Dayniile Cumar Cabdi Fiidow ayaa kasoo qeyb galay daawashada ciyaarta lagu soo gabo gabeenayay tartankii Maanka Cup.

Mahad Maxamed Sharaawe Xoghayaha Degmada Dayniile ayaa koobka gudoonsiiyay Kooxda Universal ee koobkan ku guuleesatay waxaa sidoo kale bilado la gudoonsiiyay kooxdii tartanka kaalinta labaad ka gashay.

Tartanka Maanka Cup ayaa si xiiso badan uga socday Degmada Dayniile , waxaana taratnkan intii uu socday usoo daawasho tagi jiray dhalinyaro badan oo aad u xiiseeya kubada cagta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -