Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey Kulankii Xildhibaanada Golaha shacabka oo lagu kala dareeray

Kulankii lagu waday inuu iskugu yimaado Baarlamaanka Somaia ayaa lagu kala dareeray, kaddib markii furitaanki shirka ay is hortaageen qaar ka mid ah Xildhibaannada Mucaaradka oo diiday in shirka furmo.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa sidoo kale diday iney saxiixaan buugga lagu diiwaangeliyo tirada xildhibanaada soo xaadiray kulanka.

Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa faray howlwadeenada baarlamaanka in ay soo qoraan xildhibaanada is hor istaaga ku sameeyay kulanki maanta si tallaabo looga qaado sida uu qabo xeer hoosaadka baarlamaanka.

Xildhibaanada is’hortaaga sameeyey oo ay ka mid ahaayeen Mahad Salaad, C/llaahi Cismaan Nuur iyo qaar kale ayaa shaki ka qabay in ajendaha kulanka ee ahaa COVID-19 uu yahay mid been abuur ah uuna ku hoos qarsan yahay ajende kale oo muddo kororsi ah.

Waxaa fadhiga hareeyey buuq iyo sawaxan sababay in lagu kala dareero fadhiguu maanta oo si weyn isha loogu hayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhibaatada Baraha Bulshada laga dhaxlo & Milkiilaha Facebook oo raali galin bixiyay

admin

Mareykanka oo cabasho xoogan ka gudbiyay Ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti

Cabdi Cade

Markab gargaar siday oo soo gaaray Muqdisho iyo Dowladda oo la wareegtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---