Koox Caan ah oo qeyb kamid ah garoonkeeda dejisay Dad Darbi jiif ah (Daawo Sawirada)

Kooxda kubada cagta Crystal Palace ee ka ciyaarta Horyaalka Primeir League ee dalka Ingiriiska ayaa qaaday talaabo dad badan soo dhaweeyeen, kadib markii qeyb kamid ah garoonkeeda ay dajisay dad darbi jiif ah.

Dalka Ingiriiska ayaa la filayaa in dhawaan galo xiliga qaboobaha, waxana qabowga sanadkan oo lasii saadaaliyay in uu yahay mid daran uu dhibaato badan u keeni kara dadka guryo la’aanta ah ee darbiyada jiifta.

Kooxda Crystal Palace ayaa qeyb kamid ah garoonkeeda Selhurst Park hoy uga dhigtay dad darbi jiif ahaa, waxa ayna kooxda qeybta garoonka kamid ah darbi jiifka u dhigay sariiro iyo sidoo kale meelo ay wax ku karsadaan kuna cunaan.

Madaxa fulinta ee Crystal Palace, Phil Alexander, ayaa sheegay in khamiistii 8-qof oo darbi jiif ahaa ay hoy ka siiyeen qeyb kamid ah garoonka , waxa uuna xusaay in ay doonayaan in kooxda ay wax u tarto bulshada deegaanka.

Dalka Ingiriiska waxaa kunool dad badan oo hoy la’aan ah ama darbi jiif ah, dadkan ayaana dhibaato xoogan kala kulmaya xiliyada qabowga iyo sidoo kale xiliyada ay roobka da’ayaan ay waayaan meel ay qabowga xun kaga gabaad galaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -