Ilyaas Aadan oo ka hadlay Sababta aan loo toogan mid kamid ah ragii dilay gabadhiisa

Waxaa saakay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu toogtay labo kamid ah sadexdii nin ee Maxkamadaha Puntland ku heleen in ay kufsi iyo dil u geesteen Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar oo 13-sano jir aheyd.

Ilyaas Aadan oo ah Aabaha dhalay gabadha Dilka iyo kufsiga loo geestay oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay sababta saakay aan loo toogan mid kamid ah ragii xukunka dilka ah maxkamada sare ee Puntland ku riday.

Waxa uu sheegay Aabe Ilyaas Aadan in mudo 10-cisho ah dib loo dhigay xukunka dilka ahaa ee lagu fulin lahaa Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame , waxa uuna tilmaamay in baaritaano iyo hubin dheeraad ah lagu sameenayo kiiska ninkaasi.

Aabe Ilyaas ayaa sheegay in codsi isaga ka yimid dib loogu dhigay fulinta xukunka ku dhacay Cabdisalaan Cabdiraxmaan , balse uusan jirin go’aan maxkamadeed oo dib loogu dhigay fulinta xukunka ruuxaas horay ugu dhacay isaga iyo laba nin ee saakay la toogtay.

Caa’isha Aabaheed ayaa sidoo kale sheegay in saakay goob joog ka ahaa fagaaraha lagu tooganayay labada nin ee dilka iyo kufsiga u geestay gabadhiisa yar, waxa uuna tilmaamay in uu hubiyay in ragaasi la toogtay ayna geeriyoodeen.

Ninka saakay dib loo dhigay xukunka dilka ee lagu fulin lahaa ayaa la dhashay mid kamid ah labada nin ee saakay la toogtay, waxaana ninkan iyo labada la toogtayba Maxkamada ku heshay in ay qeyb ka ahaayeen dilka iyo kufsiga loo geestay Caa’isha Ilyaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -