Qorshe uu kulankii Golaha shacabka ka damacsanaa Gudoomiye Mursal oo la kashifay

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xubnaha golaha Shacabka baarlamanka Somalia ayaa shaaciyey qorshe muddo kordhin ah oo maanta laga damacsanaa kulankii golaha shacabka ee baaqday.

Mahad Salaad ayaa ka mid ahaa xubno mucaarad ah oo is’hortaagay kulankii maanta oo ajendihiisu ahaa cudurka Coronavirus, iyagoo aaminsanaa in qorshe muddo kordhin ah lagu hoos waday.

Haddaba, Xildhibaanka ayaa goor dhow bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo qorshe uu damacsanaa gudoomiyaha golaha shacabka oo uu qornaa sidatan:-

Mahad salaad

Guddi Xildhibaano ah oo u tagay Guddoomiye Mursal maanta intii uusan soo gelin hoolka shirarka Golaha Shacabka wuxuu u sheegay:

  1. Heshiiskii 17 September in uu fashilmay!
  2. Muddo kordhin inuu u samaynayo Barlamaanka iyo Farmaajo!
  3. Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay in uu isagu dalbaday, lana soo badinayo.

Waxaa xaqiiqo ah in maanta cid waliba u cadahay meesha loo socdo. Hurdada halaga kaco ayaan idin leeyahay Farmaajo waa balaayo inoo hagoogane!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -