Sawirro laga soo qaaday Xerun kutaala Mareykanka oo hadal heyn badan dhalisay

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa si weyn u hadal haya sawirro laga soo qaaday xarun kutaala dalka Mareykanka ay ku jiraan dad muhaajiriin ah oo si sharci daro ah dalkaasi kusoo galay.

Sawiradan lasoo bandhigay ayaa waxaa ka muuqda in dad tiro badan lagu hayo hal goob xili uu dalkaasi ku faafayo cudurka Caronavirus, waxaana la sheegay in goobtaasi ka jirin kala fogaansho iyo taxadar badan.

Waxaa sidoo kale sawirada lasoo bandhigay ku jira kuwa muujinaya caruur ku sugan qolal cooshado ka sameysan islamarkana aad ciriiri u ah, waxaana la sheegay in xaruntan ka jirto dhibaato badan oo heesata muhaajiriinta.

Xaruntan lagu hayo muhaajiriinta oo ku taalla gobolka Texas, ee ay dowladda maamusho  ayaa la sheegay inay ku jiraan 1,000 qof, dadkan ayaana intooda badan waxa ay kasoo talaabeen xadka Mareykanka la wadaago Mexico.

Sawiradan lasoo bandhigay ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee muujinaya xaalada ka jirta xarumaha muhaajiriinta lagu hayo tan iyo markii maamulka Mareykanka la wareegay Madaxweyne Joe Biden.

Waxaana hadal heyn badan ka dhalatay oo dhinaca baraha bulshada sawiradan lasoo bandhigay, dadka qaarkood ayaana ku dhaliilay Maamulka Biden sida ay u maareeyaan dadka soo galootiga ah ee Mareykanka kusoo qul qulaya.

Tirada dadka soo galootiga ah ee galaya Mareykanka ayaa korortay tan iyo markii uu talada Mareykanka la wareegay Joe Biden oo meesha ka saaray xayiraado adag oo ka dhan ahaa soo galootiga uu horey usoo saaray Madaxweyne Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -