Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday Suuq kuyaala Mareykanka (Sawirro)

Nin hubeesan ayaa toogasho ku dilay dad badan uu ku jiro sargaal katirsan ciidanka booliiska Mareykanka ,kadib markii weerar uu ku qaaday suuq  kuyaala gobolka Colorado ee dalka Mareykanka.

Weerarkan oo toos looga daawanayay Youtube-ka ayaa bilowday kadib markii ninka hubeesan tagay suuqa rasaasna ku furay dadkii goobtaasi ku sugnaa, waxaana goobta mar qura ka dhacay kala carar.

Inta la xaqiijiyay toogashada uu fuliyay ninkan hubeesan waxaa ku geeriyooday 10-qof uu ku jiro sargaal katirsan ciidanka booliiska Mareykanka, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dhoor qof oo kale oo isbitaal la dhigay.

Ciidamada booliiska Mareykanka ayaa markii dambe soo afjaray weerarka ninka hubeesan ku qaaday suuqa King Soopers, waxa ayna ciidamada gacanta ku dhigeen isaga oo dhaawacan ninkii geestay toogashada.

Guddoomiyaha gobolka Colorado Jared Polis, ayaa si kulul u cambaareeyay toogashadan ka dhacday Suuqa King Soopers, waxa uuna sheegay in uu murugada la qeybsanayo dadka dhibaatada soo gaartay iyo ehelkooda.

Dalka Mareykanka ayaa si joogta ah waxaa uga dhaca weeraro ay geestaan dad hubeesan, dowlada ayaana marar badan ku guul dareesatay in ay wax ka qabatao weeraradan oo kusii kordhaya gudaha Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -