Muuse Biixi oo eedeymo kulul u jeediyey Qaramada Midoobay iyo Maamulka Puntland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay meel fagaare ah ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay dadkii Somaliland ka saartay Laascaanood ayaa eedeymo kulul u jeediyey Qaramada Midoobay, iyo maamulka Puntland

Muuse Biixi ayaa Hay’adda Qarmada Midoobay ee OCHA ay si qaldan uga hadashay talaabada uu qaaday Maamulkiisa.

“Aniga waxaan la hadlayaa hay’ada qaramamada ee OCHA oo aad uga hadashay, waxaana filayaa inaanay dadkani ay dan u hayn oo aanay waxba u qabanaynin. Dadkaan waxay halkaan yimaadeen iyagoon waxba haysan oo ceyr ah oo ka yimid Baydhabo iyo meelo ka fog 30 sano ka hor, maalin qur ahna koob biyo ma siin, maalina qura bac may siinin, maalin qura kaniin ay kaneecada isaga ilaaliyaan may siinin marka 30-kaas sano maxay u qabteen” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaa jawaabo kulul siiyay Maamul Goboleedka Puntland oo aad u soo dhaweeyay dadkii laga soo raafay Laascaanod, sidoo kale Muqdisho ayuu aad u cambaareeyay.

“Gobollada kale ee ka hadlayo ee dhahaya waan soo dhaweyneynaa, waxaan leeyahay 30 sannadood ayay joogeen dadkaan mana jiro qof qura oo lagu dilay Somaliland mana jiro qof qura oo la dulmiyay oo hanti uu leeyahay laga dhacay oo la hagar-daameeyay. Puntland oo aad gurbaanka ugu tumeysay maalin qura ayay 17 canug oo 20 gaarin baa intay soo qabteen ku yirahdeen dil baanu ku xukunay haddana maantuu lahaa waan soo dhaweynayaa.” ayuu intaas ku daray.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed sannadkasta lagu dilo Boosaaso ama guud ahaan Puntland.

Waxa uu sheegay in Xamar uusan la hadleeyninba oo uusan hadalba u quurin isagoo ku sababeeyay in Xamar ay tahay meel maalinkasta lagu daadiyo dhiiga bini’aadanka . “Xamar dadka ugu badan ee lagu laayo waa dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed.” ayuu yiri Muuse Biixi oo hadalkan ka jeediyey  xaflad ballaaran oo loogu dabbaaldegayo 37-guurada kasoo wareegtay maalinta  shuhadada SNM oo sannad walba dalka laga xuso.

Dhinaca kale Muuse Biixi  ayaa sheegay in dagaalkii lagaga hortegay Siyaad Barre uu ahaa mid Soomaali oo dhammi ka siman tahay, islamarkaana ay maanta dhammaan dadka Somaliland ku nooli  si siman loo dheefsanayo mirihii ay SNM keentay

“Dadka Somaliland maagaya ee doonaya inay taariikhda lumiyaan ee doonaya inaanay Soomaliland hore u socon oo ay iyadu murantaa had iyo goor waxay yidhaahdaan Beel dhexaa wax wadata, haddana guddoomiyaha maanta ee jimciyadda SOOYAAL ee 1987-kii lugtu go’day  ma aha beesha dhexe ee waa nin reer Jig-jiga ah, dagaalkaasna Soomaaliyi way u dhammayd.” ayuu yiri Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -