Kulan Maalintii 2-aad ka Socda Teendhada Afisiyooni iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo…

Waxaa Teendhada Afisiyooni ee kutaala xeendaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kulan ku leh madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulada taabacsan.

Kulankan oo ah mid saxaafada aan loo ogolaan ayaa la sheegay in uu daba socdo kulankii shalay halkaasi ku yeesheen Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay kulankan ayaa warbixin looga dhageestay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Xijaar oo ka warbixiyay sida booliiska u diyaariyay sugida amaanka goobaha lagu wado in doorashada ka dhacdo.

Dhinaca kale kulankan maalintii labaad ka socda teendhada Afisiyooni waxaa ka maqan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo horey shalay u diiday in ay ka qeyb galaan kulankan uu horey u iclaamiyay Farmaajo.

Kulankan maalintii labaad ka socda teendhada Afisiyooni ayaa dadka siyaasada falanqeeya aaminsan yihiin in aysan waxba kasoo baxaeyn maadaama shirka ay ka maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf kala dhaxeeyo madaxda DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -