Ra’isul Wasaare Rooble oo tacsi ugu tagay Qoyska Cali Mahdi Maxamed (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday gogosha tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa saxiixay buugga tacsida, ayaa la kulmay qoyska iyo qaraabada marxuumka, guddigii tacsida  iyo odayaasha dhaqanka ee ka shaqeynayay  tacsida marxuum Cali Mahdi Maxamed.

“Waxaan Soomaali oo dhan, qoyskii iyo eheladiisa uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh  marxuum Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore. Waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo, aan ducada u badinno in uu ilaahey naxariistii janno geeyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadal kooban ka jeediyay  goobta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay  guddiyadii Aaska Qaran, Qoyska iyo duubabka  dhaqanka ee sida wanaagsan uga shaqeeyay  aaska madaxweynihii hore marxuum Cali Mahdi Maxamed, isagoo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay u duceeyaan marxuumka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -