Madaxweyne Erdogan oo ka carooday dhoola tus milateri oo Sacuudiga ka qeyb galay

Madaxweynaha dowlada Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa si weyn uga carooday in ciidamada Sacuudiga ka qeyb galaan dhoolo tus milatari oo ka dhacay magaalada Athens ee caasimada dalka Gariiga.

Dhoolo tuskan milatari ee ka dhacay magaalada Athens, ayaa waxaa ka qeyb galay ciidamo ka kala socday wadamo ay kamid ahaayeen , Faransiiska, Masar ,Sacuudiga , Imaaraadka iyo Baxreyn  .

Madaxweyne Erdogan oo ka carooday talaabada Sacuudiga uga qeyb qaateen dhoolo tuskan ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ka codsatay dowladiisa in ay ka iibiso diyaaradaha wax duqeeya ee aan laheyn duuliyaha.

“Wa arin lala yaabo in Sacuudiga uu ka qeybgalayo dhoolatuskaas ciidan ee Giriigga, halka dhanka kale ay naga codsanayaan inaan ka iibino drones-keena. Waxaan rajeyneynaa in aan arintaas si degan ku xallino,” ayuu yiri Madaxweyne ErdoÄŸan

Dowlada Turkiga ayaa u arargta dhoolo tuskan milatari ee ka dhacay dalka ay cadwaga isku yihiin ee Gariiga mid looga soo horjeedo Turkiga, waxa ayna Turkiga nasiib daro ku tilmaamay in wadamo dan ka leh  in ay hadana ka qeyb galaan dhoolo tuskaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -