Al Shabaab oo dagaal xoogan kula wareegtay Deegaanka Ceel Muluq

Wararka ka imaanaya Degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in saakay deegaan kuyaala duleedka degmadaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowlada iyo kuwa Al Shabaab.

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Ceel Muluq, waxaana dagaal deegaankaasi ka dhacay markii dambe Shabaab kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda la wareegeen deegaanka Ceel Muluq ee duleedka degmada Cadale, waxa ayna Shabaab sheegeen in dagaalka ku dileen sadex askari oo katirsan ciidanka dowlada.

Dadka deegaanka Ceel Muluq ayaa ku waramay in saakay halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaaro geestay, waxa ayna sheegeen in deegaanka dadka qaar ka qaxeen halka dadka ku haray cabsi dareemayaan.

Ciidamada dowlada ee laga soo saaray deegaanka Ceel Muluq ayaa la sheegay in ay wadaan abaabul ay ku doonayaan in mar kale dib ugu laabtaan deegaanka laga qabsaday ee Ceel Muluq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -