Kenya oo lumin doonto Jaziirada Lamu haddii Soomaaliya ku guuleysato Dacwada ICJ taala

Dowlada Kenya ayaa go’aansatay in banaanka ka joogto dhageesiga garmaqalka dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya oo isniintii ka bilaabatay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa qoraysa walaaca cusub ee lasoo darsay dowlada iyo shacabka Kenya, kuwaa oo ka cabsi qaba in Maxkamada ICJ Soomaaliya u xukmiso dhul badeedka ee isku heestaan Kenya.

Kenya ayaana lumin doonta dhul badeed iyo deegaano muhiim ah hadii Soomaaliya loo xukmiyo kiiska hada Maxkamada yaala, waxa ayna taasi saameyn toosan iyo mid toganba ku yeelaan doontaa Kenya oo dooneysay in si fudud ku qaadato biyaha Soomaaliya.

Wargeyska The Standard Media ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in walaaca xoogan ee Kenya kusoo kordhay qeyb ka tahay in ay weyn doonto Jaziirada Lamu hadii Soomaaliya ku guuleesato kiiska Maxkamada yaala.

Waxa uu sidoo kale wargeyska qoray in Kenya dhaqaale badan ay ku weyn doonto Xeebaha kalluunka laga helo oo ay ku nool qoysas badan, maadaama haddii kiiska guushiisa loo caddeeyo Soomaaliya dhabar-jab ku tahay.

Kaluumeesato Kenyan ayaana banaan bax ka sameeyay walaaca cusub ee lasoo darsay ee ku aadan in dhul badeedka Soomaaliya iyo Kenya isku heestaan loo xuKmiyo Soomaaliya maadaama Kenya ka baxdaY dhageesiga kiiskan.

Jaziirada Lamu oo ah dhul dalxiis oo xeeb qurux badan leh ayaa kuyaala xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan, waxaana Kenya halis ugu jirtaa in jaziiradaasi lumiso hadii Soomaaliya loo xukumo kiiska hada dhageysigiisa ka bilowday maxkamada ICJ.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -