Qoraal laga faafiyey Madaxweyne Erdogan oo caro ka dhaliyey dalka Turkiga

Baraha bulshada ee waddanka Turkiga waxaa si weyn ugu faafay qoraal ku saabsan in uu “dhintay” madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan.

Sida ay tabisay BBC-da laanteeda af Turkiga, barta Twitter-ka ayay tan iyo shalay tobannaan kun oo ruux ku faafinayeen geerida Erdogan, arrintaas oo abuurtay caro weyn.

Madaxweyne Erdogan qudhiisa ayaa gudbiyay cabasho ka dhan ah dadka faafinaya hashtag-ga Twitter-ka ee meel ka dhaca ku ah isaga.

Sheegashada been abuurka ah ee lagu dhibaateynayo madaxweynaha ayaa soo socotay tan iyo galinkii dambe ee Talaadadii, waxaana sii kordhaya dadka xoojinaya warkaas marin habaabinta ah.

Sida ay tabiyeen warbaahinta ugu waaweyn Turkiga ee DHA iyo NTV, waxaa kiis dacwad dambi ah laga diiwaan galiyay xafiiska dacwad oogaha guud uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Agaasimaha guud ee amniga qaranka ayaa sidoo kale shaaciyay in saaka aroortii ka qaaday tallaabo sharci ah oo ka dhan ah 30 qof oo lagu eedeeyay inay “aflagaaddeeyeen sharafta madaxweynaha” ayna “xog marin habaabin ah ku khaldeen shacabka”.

Dadkaas ayaa dhammaantood loo heystaa arrinta ku saabsan “dhimashada” lagu sheegay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Turkiga (AKP), Recep Tayyip Erdoğan.

Ilaa hadda 50,000 oo jeer ayaa shalay ilaa hadda baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka la iskula wadaagay warka ka careysiiyay madaxweynaha.

Arrintan ayaa kusoo aadday xilli Turkiga ay ka taagneyd hadal heynta ku saabsan kaftanka mooska oo xanaaq badan ka dhex abuuray dalka Turkiga.

Maalmihii lasoo dhaafay, Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa dadka qaxootiga ah ee kasoo jeeda Suuriya ku eedeeyay inay “nacayb abuurayaan” iyagoo moos u cunaya “qaab caro kicinaya”.

Dad badan oo kasoo jeeda Suuriya ayaa arrintaas darteed xabsiga loogu taxaabay, waxayna wajahayaan in laga musaafuriyo Turkiga.

ISHA: BBC

- Advertisement -