Khamri tiro badan oo maanta lagu bur buriyay Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa lagu qabtay khamri badan oo halkaasi si sharci daro ah lagu geeyay, waxaana khamrigaasi howlgal gaar ah ku qabtay ciidamada amaanka.

Ciidamada amaanka ayaa gacanta kusoo dhigay khamriga iyo dadkii ka ganacsanayay, waxaana maanta khamrigaasi lagu soo bandhigay goob fagaare ah oo sidoo kale lagu bur buriyay.

Taliska ciidamada booliiska iyo Nabad sugida magaalada Dhuusmareeb oo ka hadlay goobta khamriga lagu bur burinayay ayaa uga digay dadka kunool magaaladaasi isticmaalka iyo waliba ka ganacsiga maandooriyaha sida khamriga.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidamada Nabad galyada Dhuusomareeb in gacanta lagu soo dhigay sadex ruux oo khamrigaasi lasoo qabtay ku lug lahaa, waxa ayna sheegeen in dadkaasi maxkamad la geyn doono.

Dadka kunool magaalada Dhuusomareeb ayaa aad u hadal haya khamrigan tirada badan ee maanta magaaladaasi lagu soo bandhigay, waxaana horey magaaladaasi ugu yaraa maandooriyaasha sida khamriga oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -