Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo safar deg deg ah ku tagay Boosaaso, isagoo lebisan dareys ciidan (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar deg deg ah ku tagay magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha oo ku lebisnaa dareyska ciidamada Safarkiisa lag sheegay mid shaqo oo la xiriira u kuurgelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan Gobolka.

Deni ayaa kulamo la qaadanaya Saraakiisha Amniga iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Bari, kuwaasoo looga hadlay xaalada gobolka.

Safarka Deni ayaa ku soo aaday xili xalay dabley ka tirsan Al-shabaab weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadeen xabsiga magaalada Boosaaso, iyagoo sii daayey maxaabiis halkaas ku xirneyd xubno ka tirsan ciidamada amaanka ayaana weerarkaas lagu dilay halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duufaano ku soo Wajahan xeebaha bariga Afrika oo digniino laga bixiyey

Caydiid Ali

Dowlado ka tirsan caalamka oo si kulul uga hadlay qaraxii shalay ka dhacay Jidka Maka Al Mukarama

Caydiid Ali

Banaan bax sanad ka badan socday oo Cudurka Caronavirus owgiis u joogsaday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---