Banaan bixii bari ka dhici lahaa Muqdisho oo la baajiyay iyo Sababta keentay oo la shaaciyay

Waxaa goordhaw shaaca laga qaaday in uu baaqday banaan bixii ay abaabulayeen golaha midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo lagu waday in beri oo sabti ah ka dhaco taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay banaan baxa ayaa loo baajiyay sababo amni oo la sheegay in ay soo kordheen in sababo kale oo la xariira fashilka xalay ku yimid shirkii ay yeesheen Musharaxiinta iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif Sh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta ayaa goordhaw shaaciyay in uu baaqday banaan bixii beri qorsheesnaa, waxa uuna u sheegay taageerayaashooda in dib kasoo sheegi doonaan xiliga la qabanayo.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in dowlada ka baxday dhamaan hesiisyadii ay dhawaan gaareen, waxa uuna cadeeyay in  aan lagu aamni karin xaalada amaan ee banaan baxayasaha iyo xaalada dalka ku sugan yahay.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -