Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo fara badan oo xiray wadooyinka soo gala Taalada daljirka Dahsoon

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa DF ayaa lagu soo daadiyey Taallada daljirka Dahsoon oo la filayo inuu ka dhaco bannaanbax ay soo abaabuleen Midowga Musharixiinta.

Jidadka soo gala taallada Daljirka ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo badan oo gaadiidka dadweynaha oo ay ku jiraan mootooyinka bajaajta ka celinaya halkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u ballan qaadday inay sugayso ammaanka dadka dibed baxaya, waxaana Ciidanka loo malaynayaa in qayb ka yihiin Ciidanka lagu sugayo ammaanka goobta loo asteeyay inuu ka dhaco Mudaharaadka.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa guud ahaan degan, iyadoo dadku ay si weyn u hadal hayaan wadahadalada xalay fashilmay ee DF iyo mucaaradka iyo sida uu u dhici doono banaanbaxa beri oo sidii hore aan u xiise badneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsatada Muqdisho oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku laaleen Canshuurtii Iibka

Cabdi Cade

Wax ka Ogow Todobo Goobood oo ka caagan in dadku tagaan iyo Sabbata keentay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Xaqiiqooyin u gaar ah Koobka Adduunka ee ka furmaya beri Magaalada Doha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---