Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Duufaano ku soo Wajahan xeebaha bariga Afrika oo digniino laga bixiyey

Heyadaha Saadaasha hawada ee adduunka ayaa sheegay in saacadaha soo socda duufaanno wata dabeylo xoog leh ay ku dhufan doonaan xeebaha Koonfur bari ee qaaradda Afrika.

Waxaa la sheegay in dabeylahan ay jari doonaan xawaare dhan 209 Kiiloomitar saacaddiiba.

Duufaanta ayaa la filayaa inay garaacdo degaano dhaca xeebaha dalalka Mozambique iyo Tanzania.

Waxaa lagu wadaa in roobabka mahiigaan ah ay ka di’i doonaan halkaasi isla markaasna ay dhalin doonaan fatahaado khasaare geysan doona sida ay sheegayaan khubarada ku xeeldheer saadaasha hawada.

Degaano ku yaalla xeebta dalka Tanzania ayaa lagu wadaa inay ku dhufato duufaanta Kenneth noo laga cabsi qabo iney khasaare xoogan geysato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Benjamin Mkapa oo goor dhow ku geeriyooday Isbitaal lagu daweynayey

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Sababta ku kaliftay in heshiis la galaan dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Khilaaf u Dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Kheyre ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---