Banaan bax sanad ka badan socday oo Cudurka Caronavirus owgiis u joogsaday !!

Dalka Aljeria mudo ka badan sanad waxaa ka socday banaan baxyo ay dhigayeen dad kasoo horjeeda nidaamka dowlada wax u maamusho, waxaana banaan baxan dowlada ku guul dareesatay in marar badan joojiso.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa isbuuc walbo gaar ahaan maalinta jimcaha isugu soo bixi jiray barxado kuyaala Caasimada Aljeria, hasa ahaatee banaan baxa ayaa hada u muuqda mid joogsaday kadib markii dalkaasi uu gaaray caabuqa Caronaviru.

Dowlada Aljeria ayaa mamnuucday in isku oo baxyo iyo kulamo waa weyn dalka lagu qabto, Hogaamiyaasha mucaaradka ayaa sidoo kale taageerayaashooda ugu baaqay in ay joojiyaan isku soo baxyada kuna ekaadaan guryahooda.

Shalay oo Jimco aheyd caasimada Aljeria ay ka dhici jireen banaan bayada ayaa aheyd mid haawaneysa, man ajirin dad magaalada usoo baxay oo dhigayay banaan baxyadii caadada u ahaa ay soo wadeen mudo ka badan hal sano.

Dalka Aljeria ayaa laga helay cudurka Caronavirus dad ku dhaw 100-qof, waxaana la xaqiijiyay ilaa hada in cudurkaai dalkaasi ugu geeriyoodeen dad gaaraya 10-qof halka kuwa kalan wali la ildaran yihin caabuqaasi faafa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -