Ganacsatada Muqdisho oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku laaleen Canshuurtii Iibka

Ganacstada Gobolka Banaadir  oo Maalmahaan ka Cabanayey Canshuurta Iibka ee ay soo rogtey Wasaaradda Maaliyada ee Dowlada Federalka  oo ay tiri waxaan u qaadeynaa si hormaris ah waxaana ku qaadaneyaa Gudaha Dekeda Magaalada Muqdisho ayaa Ganacstada waxay ku Tilmaameen mid Sharcidaro  ah, waxay kaloo sheegeen in  aaney Canshuurtaasi Waafaqsaneyn Shuruucda Qaadista Canshuuraha dalka ,

Ganacstada oo Shir Jaraaid ku qabtey Magaaladda muqdisho ayaa ugu dambeyntii waxay Shirkooda Jaraaid ka soo saareen  Qododbada soo socda

1- Ganacsatada  Gobolka Banaadir waxay  taageertey  Go’aanka Gudiga Maaliyada  iyo Gudiga Ganacsiga ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed

2-Ganasatada waxay ka Codsanayaan Wasaarada Maaliyadda  ee Dowlada Federaalka in ay u Hagaansato Hab raaca u yaalaha Canshuurah Dalka

3-Ganacstada waxay ogoshahay Canshuuraadka Dhoofinta iyo Soo dejinta waxaana Sharcidaro ah Canshuurta Iibinta oo  ee Boqolkiiba Shan 5% in lagu qaado Dekeda laguna koobay Ganacsatada Gobolka Banaadir oo Keliya

4-Ganacsatada Gobolka Banaadir  waa Canshuur bixiyayaasha  Keliya  ee  Canshuurta siiya Dowlada Federaalka

5-Waxaa ka Xunahay wararka  ay faafiyeen  qaar ka mid ah Warbaahinta oo sheegay in ay isfahmeen Wasaarada Maaliyada Iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -