Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Midowga Musharixiinta oo wada abaabulka dibed-baxii Sabtiga lagu balansanaa

Abaabulka bannanbaxa ay ku dhowaaqeen Midowga musharixiinta ayaa ka socda magaalada Muqdisho kaasoo la filayo in maalinta beri oo sabti ah uu ka dhaco taalada Daljirka dahsoon

Goobaha ay degan yihiin midowga musharixiinta ayaa ah kuwo laga dareemayo abaabulka bannaanbaxa, iyadoo musharixiinta ay kulamo la qaadanayaan taageerayooshooda, kuwaasoo ku aadan sidii uu u hirgeli lahaa banaanbaxaas.

Xukumadda Soomaaliya iyo Midowga musharixiinta ayaa ku heshiiyay in bannaanbaxa uu dhaco 6 bisha oo berrito ku beegan, isla markaana doorka amniga dibed-baxayaasha ay qaadato dowladda Soomaaliya.

Waxaa xalay goor dambe natiijo la’aan ku soo dhammaaday shirkii saddexaad ee ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha midowga Musharixiinta.

Xubanaha Midowga musharixiinta ayaa xukumadda hor dhigay in la ballaariyo shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, isla markaasna shirkaasi ay ka qeyb galaan balse xukumadda ayaa diiday codsigaasi, iyadoo tilmaantay in go’aankaas aysan keligeed qaadan karin ayna u taallo madaxda dowlad goboleedyada.

Ma cadda inuu saameyn ku yeelan doono shirkaasi fashilmay bannaanbaxa berri ee mucaaradka abaabulkiisa ka wadaan magaalada Muqdisho.

https://youtu.be/17OJHi0FMtU

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo safar u aaday dalka Qatar lana kulmaya Tamim bin Hamad

Cabdi Cade

Xiliga dib loo bilaabayo kulamadii caadiga ahaa ee golaha shacabka oo la shaaciyey

Caydiid Ali

In ka badan 100 qof oo qaxooti ahaa oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---