Wax ka Ogow Todobo Goobood oo ka caagan in dadku tagaan iyo Sabbata keentay (Sawirro)

Dunidan casriga ah oo dadka ku nool haatan ay ku haminayaan in dalxiis ay ku tagaan hawada sare, dhawaanna la filayo in arrintaas la billaabo, sidoo kalena ay sahlan tahay in qofka meesha uu doona uu u dalxiisi tago karo, booqan karana goobaha taariikhiga ayaa haddana waxaa jira gooba dadka ban’iaadamka ka caagan inay booqdaan oo aan war badan laga heynin.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa ilaa iyo toddobo goobood oo aan dadka loo oggoleyn inay booqdaan, ayna ugu wacan tahay khatar amni, arrimo xasaasi, dano guud iyo waxyaaba kale.

1.Jasiiradda masaska ee dalka Brazil

Jasiiradda Ilha Da Queimada Grande ee dalka Brazil waxaa ay kamid tahay goobaha caanka ah ee aan dadka loo oggoleyn inay booqdaan. Waa goob halis ah oo ay adag tahay in qofkii tagaa uu ka soo noqonaya isagoo badqabo.

Jasiiraddan ayaa waxaa ku nool masaska ugu badan adduunka inta la ogyahay, waxaana lagu qiyaasay in mitir walba oo dhulka jasiiradaas uu jiifo mas, waxaana la sheegay inay yihiin masas marka uu qofka arko argagax gelin kara, waxyeeleyn karana dadka bani’aadamka.

Masaskaas ku nool jasiiradda Ilha waxaa lagu tilmaamay inay yihiin masaska adduunka kuwooda ugu khatarta badan, waxaana kamid ah maska nooca casaanka ah ee candhuufta tuura.

Dowladda Brazil ayaa xirtay jasiiradaas, kana mamnuucday in dadka ay booqdaan. Inta la ogyahay dowladda dalkaas ayaa dadka cilmi baarista sameeya oo keliya u oggolaatay inay booqdaan jasiiradaas, kuwaas oo iyaguna la dul dhigay shuruudo dhowr ah oo ay kamid tahay inay la socdaan dhakhaatiir daweyn kara haddii ay wax noqdaan.

Khubara arrimaha deegaanka oo ka socday jamaacadaha Sydney, Australia, iyo Selma Maria oo BBC-da, qeybta Brazil la hadlay waxay sheegeen in jasiiraddan ay sameysantay 11 kun oo sano kahor, taasina ay keentay in duur-joog u badan masas ay ku tarmaan jasiiradda hawdka ah ee dhanka xeebta kaga beegan magaalada Sao Paulo.

2. Keydka qarsoon ee kaniisadda Vatican-ka

Keydka qarsoon ee kaniisadda Vatican ee ee dalka Talyaaniga waa mid aan loo oggoleyn in dadku ay booqdaan.

Keydkan oo sida la sheegay ku dhexyaalo dhismo weyn ayaa la aaminsan yahay in halkaas ay ku keydsan yihiin dukumentiyo muhiim ah oo taariikhi ah.

Waxyaabaha la sheegay in halkaas ay ku keydsan yihiin waxaa kamid ah waraaqo ay isweydaarsan jireen Vatican-ka iyo dadkii caanka ahaa ee soo maray dunida, kuwaas oo ay kamid yihiin mualifkii caanka ahaa ee Wolfgang Amadeus Mozart, boqoradii koowaad ee Ingiriika, Adolf Hitler iyo dad kale oo taariikh dheer kuleh dunida.

Xogtaas oo ah mid u khaas ah baadariga madhabta kaatooliga ayaa ah mid ka caagan dadka adduunka oo aysan arki karin marka ay soo booqanayaan goobtaas.

Cilmibaarayaahsa arrimaha seyniska ayaa la sheegay inay yihiin dadka keliya ee dalban kara oggolaansho ay ku glaan goobtaas, haddiise loo oggolaado waxaa ay ku dhaqmayaan shuruuc adag oo ay kamid tahay in aanay wax waraaqa ah kala soo bixin karin keydka qarsoon. Waxaa kale oo jiraa shuruuc dhigeysa in iyaga xitaa aanan loo oggoleyn inay arkaan waxyaabaha qaar.

Keydka qarsoon ee Vatican-ka ayaa sidoo kale ah meel lagu keydiiyay xog badan oo la xiriirta Catholic-ga, waxaana la sheegay inay ku keydsan tahay taariikh gaareysa ilaa iyo qarnigii 8-aad.

Inta badan macluumaadkan ayaa ku keydsan bakhaaro dhulka hoostiisa ah, waxaana ay ku fadhiyaan dhul gaaraya 85 kilomitir.

3.Xarunta lagu keydiyo miraha dalagyada ku beeran adduunka

Waa sanduuq aad u weyn oo u sameysan sida qaboojiyaha, laguna keydiyo miraha dalagyada adduunka laga beerto. Sanduuqan oo ku yaalla gudaha dalka Norway ayaa waxaa hirgelisay dowladda dalkaas, waana goob lagu ilaaliyo miraha, si haddii ay masiibo ama aafo kale ka dhacdo dunida loo helo keyd miro oo loo laaban karo.

Wargeyska the Guardian ee kasoo baxa dalka Britain ayaa kusoo warramay in sanduuqan oo ku yaala jasiiradda Spitsbergen ay ku keydsan yihiin milyan baaldi oo midkiiba ay ku jiraan boqol milyan oo ah miro kala duwan ah, kuwaas oo aad muhiim ugu ah dunida, waxaana mashruucan la hirgeliyay sanadkii 2008.

Waxaa laga dhisay qalab ay adag tahay inay biyo ama waxyaaba kale ay dibadda uga yimaadaan, kadibna ay waxyeeleeyaan. Xarunta looma oggolo dadku inay booqdaan, waxaana sabata lagu sheegay sidii looga baaqsan lahaa waxyeelo soo gaadhi karta mirahaas.

Sanduuqan waxaa ku dhan dhammaan miraha dalagyada laga beerto caalamka, haddii ay ahaan lahayd qudaar, cuntada iyo dhamaan waxyabaaha laga isticmaalo adduunka.

Sanduuqana ayaa loo nashqadeeyay qaab uusan u dumin, adkeysigiisnaa uu gaarayo laba boqol oo sano, waxaan uu iska celin karaa waxwalba oo ay kamid yihiin duufaanta, qaraxyada dhul gariirka iyo wixii lamidka ah.

Miraha halkan lagu beeray ayaa ah mid laga soo uruuriyay dhammaan dalalka caalamka, waxaana dalalka halkaas wax ku keydsaday kamid ah Kuuriyada Waqooyi oo aan inta badan wax xiriir ah la lahayn caalamka intiisa kale marka laga reebo dalal dhowr ah oo Shiinaha uu kamid yahay.

4.Jasiiradda xabaasha ee dalka Talyaaniga

Poveglia waa jasiirad yar oo ku taala dalka Talyaaniga, una dhaxeysa xeebaha magaalooyinka Venice iyo Lido. Goobtan waxay horay u ahayd goob lagu karantiilo dad qaba cudurka Bubonic ee ka dhashay baktiiriyada, waxaana mar la sheegay in lagu karantiilay 160 kun oo qof oo qabay cudurkaas, kuwaas oo markii dambe qaar badan oo kamid ah ku dhintay jasiiradaas.

Wararka qaar waxay sheegayaan in boqolkiiba konton carrada dhulka jasiiradaas ay tahay haraadiga jirka bani’aadamka, maadaama sida la sheegay meydka dadkii u dhintay cudurkaas ay ku qurmeen dhulka.

Wargeyska Daily Mail ee Britain kasoo baxa ayaa kusoo warramay in jasiiraddan muddo hadda laga joogo 70 sano ay ahayd goob guumeystihii Talyaaniga u ahayd xarun lagu hayo dadka qaba xanuunada dhimirka, waxayna taas keentay in dowladda Talyaaniga ay markii dambe xirto jasiiradda Poveglia, kana mamnuucdo in dadku ay booqdaan.

5. Qolka 39-aad ee Kuuriyada Waqooyi

Dalka Kuuriyada Waqooyi oo lagu tilmaamo in uu yahay dal go’doon ah, kana go’an dunida inteeda kale ayaa waxaa adag in waxbadan laga ogaado waxa ka dhex socda.

Dalkan oo sidiisaba ay adag tahay in wax laga ogaado madaxda dalkaas iyo waxyabaaha ay qabtaan ayaa qol lagu magacaabo “Room 39” waxaa la sheegay in uu yahay qol aanan cidna loo oggoleyn inay gudaha usoo gasho.

Waxbadan laga ma oga qolkan ku yaala magaalada Pyongyang, haseyeeshee dad aqoon u leh ama lasoo shaqeeyay xukuumadda dalkaas waxay sheegeen in qolkaas uu yahay goob ay si gaar ah ugu kulmaan hogaamiyaha wadankaas iyo saraakiisha milateriga.

Ri Jong oo ah sarkaal horay uga tirsanaa xukuumadda Pyongyang oo u warramay telefishenka CNN ee Mareykanka ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee lagu qabto qolka 39 oo uu muddo kasoo shaqeeyay ay tahay meel lacagta loogu geeyo saraakiisha sarsare ee dalkaas. Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in qolka 39 uu yahay mid lagu qabto hawlo sharci darro ah.

6. Aaga 51-aad ee dalka Mareykanka

Aaaga 52 ee ciidamada cirka ee dalka Mareykanka waa goob caan ka ah dalkaas oo loo yaqaano “Area 51. Hey’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa markii ugu horeysay qirtay jiritaanka goobtan sanadkii 2013-ka.

Inta badan goobtan kama soo muuqato qariiradda goobaha dalka Mareykanka, waxaana la aaminsan yahay in sidaas loo sameeyay sababo amni.

Goobtan oo qiyaastii 170 kilomitir u jirta Las Vegas ayaa sanadkii 1958 waxay hey’adda atoomikada Mareykanka ka saartay goobaha dadweynha ay tagi karaan.

Waxaa gidaarka goobtan ku hareereysan ciidamo hubeysan. Sidoo kale waxaa adag in diyaaradaha ay dul maraan goobtan iyagoo aanan wax fasax heysanin.

Way adag tahay in la ogaado waxa ka dhex socda xaruntaas, dadkuna marnaba looma oggolo inay gudaha u galaan oo waxaa gidaarada ku dhagan koronto dili karta qofkii isku dayaa in uu gudaha u galo.

Xaruntan waxaa ay u dhaw dahay saldhig milateri ee Nevada oo ah meel lagu tijaabiyay hubka nukleyrka Mareykanka intii u dhaxeysay sanadihii 1950 ilaa iyo 1990. Waxay ku fadhidaa dhul dhan saddex milyan oo hektar.

Waxay dad badan rumeysanyihiin in dowladda Maraykanka ay xeradan ku hayso macluumaad ku saabsan Suxuunta Duusha oo la rumeysanyahay in ay kaxeeyaan nooleyaal qalaad oo cirka ka yimid.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay dadka aaminsanyihiin in qaar ka mid ah noolayaashaas ay dowladda Maraykanka qabatay, kuna hayso xaruntaasi Area 51 ee Navada.

Annie Jacobsen oo wax ka qoray taariikhda saldhiggan ayaa BBC-da u sheegay in goobtaas ay ku rakiban yihiin qalab aad u horumarsan oo dowladda Mareykanka ay u adeegsado hawlaha sirdoonka.

7. Jasiiradda dadka go’doonsan ee Hindiya

 

Jasiiradda Sentinel ee ku taala waqooyiga dalka Hindiya waa hoyga dadka asal ahaan loogu yimid dalkaas, kuwaas oo qarniya ku noolaa halkaas. Dadkan ma ahan dad doonaya inay la macaamilaan dadka kale ee adduunka, marwalbana waxaa la sheegay inay dagaal kala hortagaan qofwalba oo isku daya in uu soo gala jasiiradaas.

Dowladda Hindiya ayaa joojisay dhammaan isku day walba oo loogu tegi karo dadkaas, kadib markii ay ogaatay khatar dadka kasoo gaari karta, waxaana dowladda ay hagaajisay xeyndaab aanan loo dhaafi karin dadkaas.

Sanadkii 2006, kalluumeysato isku dayay in uu gudaha u galo jasiiradaas ayaa la dilay. Sidoo kale dalxiise u dhashay Mareykanka oo isku dayay in uu tego jasiiradaas ayay dileen dadkii ku noolaa goobtaas.

Dad badan oo isku dayay inay booqdaan goobtaas ayaa waxaa ay iska hor-imaad kala kulmeen dadka Sentinel, lamana oga sida ay u nool yihiin iyo dabeecadooda.

Xigasho BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -