Turkiga oo bilaabaya talaabo cusub oo aan laga soo dhoweyn doonin Somalia

Turkiga ayaa bilaabaya dedaal ku aadan sidii Soomaaliya iyo Kenya ay isugu keeni laheyd miiska wadahadalka si loo xaliyo dacwada badda ee u dhexeysa labada dal.

Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga Mevlüt Çavusoglu ayaa booqasho ku kala bixin doona Muqdisho iyo Nairobi, horaanta bisha soo socota ee Maarso, isagoo kulamo la qaadan doona Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Farmaajo iyo Uhuru ayaa bilihii lasoo dhaafay uusan xiriirkoodu wanaagsaneyn, sidoo kale waxay Soomaaliya u bareertay inay gabi ahaanba Kenya u jarto xiriirkii diblomaasi.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxuu aad u daneynayaa in labada dal ay xal nabadeed ka gaaraan dacwadda badda oo ahayd isha ugu weyn ee khilaafaadka labada dal u dhaxeeya.

Turkigu ayaa dhex-dhaxaadintaan uga faa’iideysanayaa xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya kala dhaxeeya, sidoo kale Turkigu waxuu Kenya iyo Soomaaliya kala dhaxeeyo xiriir ganacsi oo balaaran, isagoo u arkaa in labada dal ay door fiican ka cayaari kara saameyntiisa qaaradda Afrika.

Dacwada u dhexeysa labada dal ayaa taallo Maxkamada Cadaaladda Addunka ee ICJ taasoo la filayo in bisha Maarso ee soo socota ay mar kale bilowdo dhegeysigeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -