Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka huwanta ah ee la wareegay Degmada Ceeldheer oo deeq la gaarsiiyay (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa la gaarsiiyay deeq xoolo ah oo loogu tala galay in ciidanka lagu taageero laguna dhiira-geliyo.

Xildhibaan Yaasin Farey oo katirsan xildhibaannada kasoo jeeda degmada Ceeldheer ayaana gaarsiiyay ciidamada huwanta ah deeq xoolo ah oo gaareysa 120-neef oo ari , kuwaa loo gowrici doono ciidanka qalabka sida.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugnaa munaasabadda deeqda xoolaga lagu wareejinayay ayaa uga mahad-celiyay xildhibaanka deeqdan uu usoo gartay in uu ku taageero ciidanka dagaalka kula jira Al Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dhawwaan dib ula wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu soo kordhiyey amarkii Xamse ku soo rogay shaqaalaha aan soo xaadirin ee DF?

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo baaq u diray DF iyo maamul goboleedyada kaddib doorashadii Puntland ka dhacday

Cabdi Cade

K/Galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada 5 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---