Hogaamiye xabsi dheer ah ku xukuman oo loo magacaabay Musharax Madaxweyne

Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Luis Inacio Lula da Silva ayaa loo magaacabay musharax ka qeyb galaya doorashada bisha Oktoobar ka dhacayso dalkaasi, inkastoo uu haatan xabsi ku jiro oo horay loogu xukumay 12 sanadood.

Ilaa 2,000 oo xubnood oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa cadeeyay in Luice uu yahay musharaxooda ayna taageero u muujinayaan.

Luis Inacio Lula da Silva ayaa hogaaminayo saadaasha codadka balse waxaa laga yaabaa in aysan guddiga doorahada u ogolaan inuu u tartamo jagada madaxweynanimada.

Waxa uu iska fogeeyay musuqmaasuq lagu eedeeyey, waxaana uuna sheegayaa in xukunkaasi uusan ka reebi Karin inuu dib ugu soo laabto jagadiisa.

Hogaamiyan hore ayuu ka hor sheegay xubnaha xisbiga in dowladda ay doonayso in ay meesha ka saarto rabitaanka shacabka si ay u doortaan madaxweynaha ay doonayaan.

Waxa uu intaasi ku daray inay doonayaan inay dimuqraadiyad abuuraan shacabka la’aantiis, taasoo uu xusay ineysan suuragal aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -