Taliye ku dhaawacmay qarax dhowaan ka dhacay Muqdisho oo xilka laga qaaday

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa xilka qaaday Taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Jen. Xijaar ayaa wareegto uu soo saaray xilka kaga qaaday Taliye Cabdirisaaq Gaas, isagoo Taliyaha cusub ee Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne u magacaabay Sharmarke Xasan Maxamuud.

C/risaaq Gaas oo ah Taliyaha xilka laga qaaday ayaa maalmo ka hor ku dhaawacmay Qarax ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Xamar-weyne, kaasoo ka dhashay Jaakad qarax ku xirnaa oo uu tuuray nin damacsanaa inuu fuliyo qarax ismiidaamin ah, lamana oga illaa hadda sababta xilka looga qaaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya dowladda Federaalka Jen. Cabdi Xassan Max’ed Xijaar ayaa sidoo kale xalay xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii qeybta Walliyow Cadde, isagoo mid cusub magacaabay, waxaana sababta xilka looga qaaday lagu sheegay inuu ku lug lahaa howlgal burburin ah oo ciidamo Boolis ah ka sameeyeen dugsiga hoyga Xamar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -