Nin ka Noolaa Qowmiyad dhan oo u geeriyooday iyo Warbaahinta oo hadal heysa (Sawirro)

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa Nin u dhashay dalka Brazil kana soo jeeday qowmiyada dabar goday ee Juma , ninkan ayaana u geeriyooday cudurka safmarka ah ee kaa Covid-19.

Aruka oo da’diisu lagu qiyaasay inta u dhexaysay 86 ilaa 90 jir ayaa ka noolaa qowmiyad dhan horraantii qarnigii 20-aad ka koobnayd kumannaan qof ,waxa uuna ninkan noqday ruuxii ugu dambeeyay ee rag ah oo qowmiyada Juma kasoo jeeday.

Dadka kasoo jeeda Qowmiyada Juma ayaa lagu laayay xasuuq marar kala duwan loo geestay, waxa ay sidoo kale dadkan u dhinteen cuduro sida ay ku warameen khuburo baaritaano ku sameeyay nolosha qowmiyadaasi.

“Waxaa murug weyn ku haysay sida ay qowmiyaddiisa u badnaan jirtay iyo sida uu ku noqday ninka keliya ee ka haray,” ayuu sheegay Gabriel Uchida, ooo wax ka qoray noolasha qowmiyaddaas.

Aruka ayaa ifka kaga tagay sadex gabdhood, waxaana gabdhahan guursaday rag kasoo jeeda qowmiyado kale maadaama aysan joogin wax rag ah oo kasoo jeeda qowmiyadiisa Juma ee dabar go’day.

Qaar kamid ah caruurta uu awoowaha u yahay ninkan ugu dambeeyay Qowmiyada Juma ayaa sheegay si aan loo hilmaamin qowmiyada ay kasoo jeeday awoowahood go’aan sadeen in ay wada sheegtaan qowmiyada ay kasoo jeedaa iyo mida awowgood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -