Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Sargaal la sheegay in uu kasoo goostay dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay , kadib markii uu isku soo dhiibay ciidanka maamulka Koonfur Galbeed.

Ibraahim Manuur Cusmaan oo la sheegay in mudo 9-sano ah katirsanaa Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Koonfur Galbeed, waxaana sargaalkan la sheegay in uu hogaamin jiray weerarada lagu soo qaado degmada Diinsoor.

Gudoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow ayaa sheegay in Sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab xiriir  la soo sameeyay islamarkaana ay soo dhaweeyeen maamul ahaan.

Sargaalkan la sheegay in uu kasoo goostay Al Shabaab oo Warbaahinta la hadlay ayaa cafis ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna cadeeyay in uu kasoo baxay kooxda Al Shabaab uu sanado badan kasoo tirsanaa.

Qaar kamid ah gobolada dalka ayaa dhawaanahan lagu soo bandhigayay rag la sheegay in ay katirsanaayeen  Al Shabaab kuwaa oo si iskjood ah isku soo dhiibay, Al Shabaab ayaana inta badan ka hadlin raga lasoo bandhigo ee la sheego in ay kasoo goosteen kooxdooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -