Dad shacab ah oo Dil iyo afduub maanta loogu geestay Laanta Buuro 

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dad shacab ah si xaqdaro ah loogu dilay meel ku dhaw Laanta buuro, waxaa sidoo kale jira dad kale oo la afduubtay.

Maleeshiyaad hubeesan oo u abaabulnaa qaab beeleed ayaa jidka u galay gaari caasi ah ay la socdeen dad shacab ah, waxa ayna dableydaasi goobtaasi ku dileen afar qof halka tiro kalana ay horey usii afduubteen.

Sida aan Wararka ku helnay maleeshiyaad hubeesan ayaa sii daayay qaare kamid ah dadkii la socday gaariga jidka loo galay, waxaana dadka la siidaayay la sheegay in ay ahaayeen haweeneyn iyo caruur.

Dilkan loo geestay dadka shacabka ah ayaa salka ku haya aano qabiil, waxa uuna dilkan daba socdaa sida aan wararka ku helnay dil dhoor habeen kahor Deegaanka Laanta Buuro loogu geestay haweeney da’ aheyd.

Nabadoon kasoo jeeda beesha dadka laga dilay ayaa sheegay in dadkooda si gardaro ah loo dilay, waxa uuna sheegay in ay xaqiijinayaan dilka afar qof sidoo kale ay jiraan rag kale oo la afduubtay oon war laga heyn nolol iyo geeri.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa kusoo noq noqday aanooyin qabiil ee dhax mara dadka wada dega deegaano katirsan gobolkaasi, waxa ayna dagaaladaasi iyo dilalka qorsheesan noqdeen kuwa lagu guul dareestay in xal buuxa laga gaaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -