Musharaxiinta oo Warqad ay ku qoran yihiin Shuruudo adag u diray Beesha Caalamka

Xubnaha Midowga Musharixiinta mucaaradka ayaa warqad u qoray Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya, iyagoona qoraalkooda kusoo bandhigay arimo xasaasi ah oo kamid yihiin khilaafka ka taagan doorashada iyo weerarkii lagu qaaday.

Musharaxiinta ayaana qoraalkooda kusoo bandhigay shuruudo adag si xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada oloogana baaqsado khalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo dalka ka dhaca.

Qoraalka oo ka kooban laba bog ayaa waxaa kamid ah shurudaha ay soo bandhigeen in baritaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday hoteelka Maa’ida oo ay deganaayeen labada Madaxweynayaal hore ee Sheekh sharif & Xasan Sheekh rasaastii Ciidamada dowladda ku fureen qaar kamid ah Musharixiinta xilli ay ku banaanbaxayeen wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada muqdisho.

Sidoo kale qoraalka Midowga Musharixiinta waxaa ay ku dalbadeen in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu talada dalka ku wareejiyo Gole Qaran oo Kumeel Gaara ah & in heshiis deg deg ah laga gaaro , Arrinta Somaliland iyo Arrinta Gobolka Gedo.

Qodobada ay Midowga Musharixiinta dalbadeen ayaa waxaa kamid ah in ay sitoos ah uga qeyb qaatan wada-hadallada doorashooyinka , qabashada shirarka ololaha iyo adeegsiga Warbaahinta & qodobo kale.

Midowga Musharixiinta ayaa waxaa sidoo kale ay dalbadeen in jadwalka doorashooyinka lagu soo saaro muddo 60 Cisho Gudahood ah, sidoo kalena ay is casilaan taliyeyaasha Ciidamada, millateriga, Nabadsugida & Booliska  oo ay ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen weeraradii ka dhanka ahaa Musharixiinta.

Ugu dambeyn Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in heshiisyada doorashooyinka ee la gaarayo loo helo damaanad qaad Caalami ah iyo in dorashada Madaxweynaha lagu qabto  goobtii ay ka dhacday 8-dii Febraayo 2017.

Shuruudaha ay soo bandigeen Xubnaha Midowga Musharixiinta qaarkood ayaa waxaa horay u soo gudbiyay Maamulka Puntland, waxaana kujira qaar adag oo laga yaabo inay u adkaato fulinteeda Madaxtooyada Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso qoraalka Musharaxiinta u direen Beesha Caalamka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -