Diyaarad Maraykanka laga leeyahay oo si qarsoodi ah loogu arkay garoon kuyaala Soomaaliya

Diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka oo loo maleenayo in ay la socdeen qandaraaslayaal u dhashay dalkaasi ayaa lagu arkay garoon diyaaradeed oo kuyaala gudaha Soomaaliya.

Warbaahinta Baotintuc iyo Okezone.com ayaa baahiyay in diyaarada Mareykanka laga leeyahay ee lagu arkay gudaha Soomaaliya ay muujineyso in Mareykanka wali howlgalo qarsoodi ah ka wadaan gudaha Soomaaliya xili dhawaan ciidankooda kala baxeen .

Sawirka diyaaradda ee lagu arkay garoonka ku yaalla gudaha Soomaaliya ayaa ka diiwaan gashan dalka Maraykanka, waxaana isweediin ka dhalatay sida diyaaradan uga howlgashay kuna tagtay Soomaaliya sida ay baarayaal Mareykan ah ku warameen.

Sida warbaahintu sheegtay, lambarka diiwaangelinta madaniga ah ee diyaaradda, N27557, oo si cad uga muuqata sawirka, looma diiwaangalin wax diyaarad ah oo ay ogtahay Maamulka Duulista Federaalka ee Mareykanka .

Sheekada diyaaradan Mareykanka laga leeyahay ee lagu arkay gudaha Soomaaliya ayaana hadal heyn badan ka abuurtay Warbaahinta Reer Galbeedka Qaar, waxaana warbaahinta  sheegeen in Mareykanka Soomaaliya kawada howlgalo aan war badan laga heyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -