Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaano badan oo Mucaarad ah oo Muqdisho kasoo degay

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo saakay kasoo ambo baxay magaalada Dhuusomareeb uu u joogay ka qeyb galka shirkii fashilmay ee Wadatashiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u yimid magaalada Muqdisho sidii uu maanta u hortagi lahaa labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu codsaday in la kulmiyo si uu khudbad ugu jeediyo.

Farmaajo ayaa aad loo hadal hayaa in Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ka codsan doono in mudo kordhin u sameeyaan kadib markii ay fashilmeen dadaaladii lagu doonayay in xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kusii qul qulaya xarunta KMG ee golaha shacabka halkaas oo la filayo in Madaxweynaha kula hadlo xildhibaanada labada aqal ugana warbixiyo shirka Dhuusomareeb iyo xaalada siyaasadeed ee dalka.

Dhinaca kale waxaa iyana magaalada Muqdisho si deg deg ah usoo gaaray Xildhibaano badan oo katirsan labada aqal ee Baarlamaanka una badan mucaarad kuwaa oo iyana ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb iyo dalka dibadiisa.

Xildhibaanadan ayaana u yimid Muqdisho in goob joog ka noqdaan kulanka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay, waxaana suurto gal ah in Xildhibaanada qaar kulanka ka sameeyaan foodo si ujeedka Madaxweynaha u fashiliyaan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kulankan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -