Dowlada federaalka oo wada dedaal dibeda loogu qaadayo dhaawacyada culus (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumada Somalia Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, oo ay wehliyeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Mudane Cabdullaahi Xaamud Maxamed, ayaa booqday dadka ku dhaawacmay weerarkii saaka subaxnimadii hore ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye kaasoo khasaare balaaran geystay.

Wasiir Cawad waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadka dhibku ka soo gaaray weerarkani bahalnimada leh, isagoo u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay bogsasho degdeg ah, waxaana uu sii xoojiyay adkaysiga shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto argagaxisada, iyadoo adkayn doonta nabadgelyada dadkeeda.

Wasiirka waxa kale oo uu la kulmay guddi xukuumadeed oo loo xilsaarray inay u gurmato dadka waxyeelloobay.

Wasiir cawad ayaa balan-qaaday in dadka dhaawacooda dalka waxba looga qaban waayey loo qaadi doono dibeda.

Intii uu ku guda-jiray booqashadiisa Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan, oo hore loogu yiqiin Isbitaalka Digfeer, ayaa Wasiirku waxa uu kula kulmay Safiirka Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz iyo Agaasimaha Isbitaalka, Dr. Aşır Eraslan, isagoo uga tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Turkiga geerida laba injineer Turki ah oo ku naf-wayday weerarkani dhiigga badan ku daatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -