Banaan bax lagu taageerayay Farmaajo laguna diidanaa Axmed Madoobe oo la dhigay (Sawirro)

Waxaa maanta degmooyin katirsan gobolka Gedo ka dhacay banaan baxyo looga soo horjeeday Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe sidoo kale lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo oo kasoo jeeda gobolkaasi.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland , waxa ayna inta badan dadkii isku soo baxay si weyn u cambaareenayeen Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Masuuliyiin iyo dad kale oo ka hadlay banaan baxyada ka dhacay degmooyinkan katirsan gobolka Gedo ayaa sheegay in maamulkooda uusan hoostagin Axmed Madoobe, waxa ayna wacad ku mareen in aysan marnaba hoostagi doonin maamulka Axmed Madoobe.

Waxa ayna Axmed Madoobe ku tilmaameen mid dabo dhilif u ah dowlada Kenya, iyagoona ka dhawaajinayay hadalo gef ku ah Madaxweyne Axmed Madoobe iyo maamulka uu hogaaminayo .

Banaan baxayaasha oo beel ahaan ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn taageero ugu muujinayeen Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo, waxa ayna sidoo kale dhaleeceenayeen banaan baxayaasha Mucaaradka Dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -