Xildhibaan Shaaciyay sida Madaxweyne Farmaajo u fashiliyay Shirkii Dhuusomareeb

Shirkii magaalada Dhuusomareeb uga socday Dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada hoostaga ayaa fashil kusoo dhamaaday kadib markii madaxda qaar isku fahmi waayeen qodobada shirka looga hadlay qaar.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ahaa Xildhibaanada joogay magaalada Dhuusomareeb ayaa ku eedeeyay fashilka shirka ku yimid Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in uu la yimid waxyaabo aan la fileyn una hadlay beel gaar ah.

Halkan Ka akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Xildhibaanka 

WAA HABAAR QABE LAGU SIRMAY‼️

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Hasha maqaarka diideysa meelo daldaloolay ka daydaa. “Gudoomiye ka socda Jubaland tagi maayo Garbahaarey” wax lala soo shir tagi karo maahan ee Farmaajo wuxuu raadinayay marmarsiiyo uu shirka Dhuusamareeb 4 ku burburiyo.
 
Waana wax laga xumaado in Farmaajo Galmudug magaca uga dheelo, mar labaadna uu fashiliyo gogashii Galmudug dhigtay sidii horay u dhacday shirkii Dhuusamareeb 3.
 
MW Ahmed Madoobe, Deni iyo Qoorqoor xalay anagaa aragnay waxa kaliya ee Axmed ku dheganaana waxay ahayd Gudoomiyaha Degmada halagu celiyo Garbahaarey si gudiga ay ugu suurogasho in ay meesha tagaan, doorashana u qabtaan. Farmaajo waxa uu rabana waraaqdaan haku qorto. Halka Farmaajo warkiisu ahaa Axmed Madoobe iyo maamulkiisa Beesheydu waa diiday in ay maamulaan!
 
Marka waxaa in la iswaydiiyo mudan Madaxweynuhu ma afhayeenka Beeshiisaa mise waa Madaxweyne Soomaaliyeed oo loo wada simanyahay, dalka iyo dadkana mas’uuliyad ka wada saarantahay. WALLEE MIDKAANI WAA HABAAR QABE LAGU SIRMAY!
 
Hon. Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -