Madaxweyne Lafta Gareen oo bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo Doorashada

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo ismari waaga iyo khilaafka ka taagan bilaabashada doorashada Soomaaliya.

Lafta Gareen ayaa dhaxda u xirtay in uu xal u raadiyo khilaafka doorashada kadib markii ay fashilmeen dadaalo uu horey u waday Madaxweynaha Galmudug oo horey u sheegay in isku soo dhaweenayo Madaxda DF iyo kuwa maamulada Puntalnd iyo Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa xiriiro la sameeyay Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland , waxa uuna kala hadlay labadan Madaxweyne sida uga macquulsan ee xal looga gaari karo khilaafka.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in uu ka codsaday Axmed Madoobe iyo Siciid Deni in kulan la isugu keeno iyaga iyo Madaxda Dowlada federaalka si looga wada hadlo khilaafka taagan iyo xal u helidiisa.

Waxa uuna ka codsaday labada Madaxweyne in ay kasoo fekiraan kulan xal ui raadin ah oo lagu qabanayo magaalooyinka Baydhabo ama Muqdisho si mar kale looga arinsado doorashada iyo sida meesha looga saari lahaa mad madowga jira.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaana u sheegay Lafta Gareen in diyaar u yihiin in wadahadal wax lagu xaliyo, waxa ayna hordhigeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed dhoor shuruud si loo wada hadlo xalna looga gaaro khilaafka.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xiriir dhinaca telfoonka lasoo sameeyay Madaxda Dowlada Federaalka uu kala hadlay xal u raadinta khilaafka taagan iyo sida ugu macquulsan ee loo dhyameyn karo.

Lama oga sida uu ugu guuleesan karo Madaxweynaha Koonfur Galbeed dadaalkan uu ku doonayo in la isugu soo dhaweeyo Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Dadaaladan xal u raadinta khilaafka doorashada ayaa imaanaya xili Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ay dhinac joogaan Madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ku dhawaaqay in si deg deg ah doorashada u bilaabaneyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -