Madaxweyne Biixi & danjire Keating oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Hargeysa (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Danjire Michael Keating oo gaaray magaalada Hargeysa.

Waxaa kulankan diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid ahaayeen sidii loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.

Kulanka Muuse Biixi iyo Danjire Keating ayaa ahaa mid ay Albaabbadu u xirnaayeen, waxana markii uu soo dhammaaday warbaahinta faahfaahin ka siiyay waxyaabihii la isku af-gartay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo tilmaamay inay labada dhinac ku lafo-gureen kulankooda sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac.

“Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu Hoggaaminayo Ergayga QM ayaa halkan inoogu yimid, waxayna la kulmeen Madaxweyne Biixi, Waxayna uga hadleen kulankooda waxyaabo badan oo la xiriira shaqada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac. Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxa ka mid ahaa Siyaasadda, Dimuqraaddiyadda, Nabad-galyada, dhaqaalaha iyo Garg-aarka, kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay,” ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -