Yoweri Museveni oo Eedeyn u jeediyay Facebook xili Uganda laga xiray baraha bulshada

Dowlada Uganda ayaa si KMG ah u xirtay baraha bulshada sida Facebook ,Twitter iyo baraha kale ee bulshada kuwada xiriirto, xili la filayo in maalinta beri dalkaasi ka bilaabato   doorashada Madaxweynaha .

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay shirkada Facebook in ay tahay shirkad aan dhax dhaxaad aheyn oo dhinac u xaglineysa, waxa uuna shirkadaasi ku tilmaamay mid isla weyn uu kibir ka buuxo.

Yoweri Museveni, ayaa sheegay hadii shirkada Facebook ay ka howlgaleyso gudaha dalka Uganda in laga doonayo in ay noqoto mid dadka u wada dhaxeysa oo si siman u wada adeegsan karaan.

Madaxweynaha Uganda oo mar kale beri u tartamaya xilka Madaxweynaha ayaa xili isaga oo xiran dareeska milatariga la hadlayay taageerayaashiisa sheegay in uusan marnaba aqbali doonin wax faragelin ah ama in la go’aamiyo cidda wanaagsan ama cidda xun.

Hadalka Musevani ayaa kusoo aadaya xili Facebook ay xirtey dhamaan akoonada xiriirka la leh dowlada Uganda, kadib markii shirkada ku eedeesay Wasaarada Warfaafinta dalkaasi in ay sameesay Akoono badan oo been abuur ah oo loogu ololeenayo Madaxweyne Musevani.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -