Allbanaadir.com
NEWS

R/W Rooble oo Wasiir katirsan Xukuumadiisa u xil saaray dardar gelinta doorashooyinka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in dardar gelinta howlaha doorashooyinka dalka u xil saartay  Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/xakiim Xasan Ashkir .

Sida ku cad qoraalka Ra’isul Wasaaraha C/xakiin Ashkir ayaa mas’uul ka noqon doona howlaha isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, dowlad Goboleedyada iyo Hey’adaha Caalamiga howlaha la xiriira habsami u socodka doorashooyinka.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan shaaciyay in la guda galayo doorashada dalka, waxa uuna Rooble go’aankan ku dhawaaqay xili wali khilaaf xoogan ka jiroguddiga doorashada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/OrEDV3-_EXA

Related posts

Cali Jeyte oo saakay xoog kula wareegay xarunta maamulka gobolka Hiiraan

Cabdi Cade

Sidee u samaysan yihiin una shaqeeyaan godadka iyo marinnada Xamaas ee dhulka hoose

Cabdi Cade

Gabar Soomaaliyeed oo maalmo la la’aa oo Meydkeeda la helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---