Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ka hadlay Darawalkiisa oo ku biiray Al Shabaab

Mid kamid ah darawalada guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isku dhiibay kooxda Al ee ku sugan qeybo kamid ah dalka.

Ninkan oo muddo ka badan afar sanno darawal u ahaa guddoomiyaha golaha shacabka ayaa isku dhiibay kooxda Al Shabaab, waxaana wareysi ninkan kasoo duubeen kooxdaasi uga hadlay sababihii ku kalifay in uu kasoo goosto dhinaca dowladda uu katirsanaa.

Wareysi uu siiyay warbaahinta ayuu ku sheegay in dhibaato badan ku jiray intii uu dowladda u shaqeenayay darawalna u ahaa guddoomiye Mursal, waxa uuna xusay in uu go’aansaday in Al Shabaab isku dhiibo dhankoodana doortay.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal ayaana xaqiijiyay in darawalkiisa isku dhiibay Al Shabaab, waxa uuna sheegay in ninkan muddo badan u ahaa darawal uuna markiisi hore kasoo raacay wasaaradda gaashaandhigga oo lagu baray darawalnimada.

Waxa uu sheegay Maxamed Mursal in uusan garan karin sababta ninkan isugu dhiibay Al Shabaab iyo dhibka ku kalifay, waxa uuna xusay in laamaha ammaanka hadda baaritaano ku wadaan ninkaasi.

”Waan dhageestay codka Xuseen ee isku dhiibay Al Shabaab, ninkan waxa uu kamid ahaa koox darawalnimo lagu barayay wasaaradda gaashaandhigga halkaas ayuuna iga soo raacay, muddo afar sanno ayuuna darawal ii ahaa, isaga oo ila jooga ayaana ogaa , ma aqaan waxa ku kalifay in Al Shabaab isku dhiibo, baaris ayaa hadda socota kaman ahor dhaceyno” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Shaqaale badan oo katirsanaa dowladda ayaana siyabao kala duwan isugu dhiibay kooxda Al Shabaab, waxaana sidaan oo kale Al Shabaab horey ugu biiray agaasimihii hore ee Madaxtooyadda maamulka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Bashiir oo loo gacan gelinayo Maxkamada caalamiga ah ee dembiyada ICC

Caydiid Ali

Dagaal culus oo ka qarxay Guriceel iyo Ciidamada Huwanta oo Dhoor Jiho ka galay

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Norway?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---