Mahad Salaad oo kashifay sababta uu Farmaajo u diidan yahay doorasho xalaal ah

Xildhibaan Mahad Salaad Maxamed oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka ee mucaaradsan madaxda DF ayaa sheegay ineysan muuqanin duruuftii lagu qaban lahaa doorasho la isla ogol yahay iyadoo uu maanta ku egyahay muddo xileedka baarlamanka Somalia.

Qoraal uu kaga hadlayo arrimahan oo xildhibaanku soo dhigay bartiisa facebook ayaa sidanu qornaa”

Maanta ayay ku egtahay muddo xileedka Goleyaasha Barlamaanka. Duqa Farmaajo ahna 40 cisho ayaa ka hartay muddo xileedkiisa. Doorasho la isla ogolyahay iyo daruuftii lagu qaban lahaa ilaa hada midna nooma muuqato.

Farmaajo wuxuu yaqiinsaday doorasho xor iyo xalaal ah in uusan Madaxweyne mar labaad ku noqon karin. Sidaas daraadeed wuxuu go’aansaday in uu keligiis isku caano shubo ama dalka geliyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Lama yaabani Farmaajo oo waa nin garasho siyaasadeed ka arradan, guulwadeyaal sii luminayana ay hareerahiisa buuxaan. laakiin waxan waydiin lahaa nacamleyaasha HAWIYE ee hareerihiisa dhooban, ma sidaan ayay dan moodeen mise marka Farmaajo dalka iyo dadka dagaal geliyo, diyaaradna ka raaco ayay rakaabka diyaaradiisa ka mid noqon doonaan?!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -